Cafimaad: Malawadka Kacsan

Wednesday, September 3, 20140 comments

Malawadka kacsan oo afka qalaad lagu yiraahdo Irritable Bowel Syndrome ama IBS waa cudurka ugu badan ee keena xanuunka xiidmaha & malawadka, 10kiiqofba wuxuu saameeya 2 qof. Wuxuu ka mid yahay cudurada ilaa waqtigan la garan la'yahay waxa sida tooska ah u keena. Ma aha cudur loo dhinto hase yeeshee wuxuu keeni karaa calool xanuun daran. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah calool xun, kaasoo badanaa qofku ka nafiso markuu saxaroodo ama uu dhuuso.  Waxaa kaloo cudurkan lagu gartaa dibiro iyo dhuuso badan. Dadka qaar wuxuu ku keenaa shuban qaarna saxaro adag iyo caloosha oo fariisata, qaarna labadaas ayaa isku bad-badala. Waxaa la dareemi karaa dareen ah in weli saxaro kugu hortay walow aad markaas soo saxarootay iyo dadka qaar oo aan hayn karin saxarada oo ay tahay inay kula cararaan suuliga (urgency) taasoo u badan waqtiga quraacda ama kadib. Calaamadaha kale oo mararka qaarkood dhici kara waxaa ka mid ah labo-labo iyo laab-jeex, daaco, rabitaanka cunada oo yaraata, daal, dhabar/madax/murqo xanuun.

Calaamadaha cudurkan ma aha joogto, oo way yimaadaan oo hadana tagaan, waxay qofka hayn karaan dhowr maalmood markiiba ama waqti intaas ka dheer. Dadka qaar waxay sheegaan in cudurkan ay isku arkaan markay wal-walsan yihiin qaarna waxay la xiriiriyaan cunada qaarkeed.

Ka taxadar inaad adigu dhakhtar isu noqoto oo is-daaweysid.  Waxaa jira calaamado uu caan ku yahay oo kaa caawin kara in la aqoonsado cudurkan  sida:

Dadka qaba cudurkan wuxuu hayaa sanado isagoo marna yimaada marna iska taga.

Wuxuu caadiyan bilowdaa labaatan ilaa sodomeeyo sano jirka.
Calaamadaha xanuunku waa isku eg yihiin, oo kan markaa ku haya iyo kan kugu dhici doona waa isku mid. Inta u dhaxeysa labada xanuuna qofka waa caafimaad qabaa. 

Calaamadaha khatarta noqon kara ee loo baahan yahay inaad dhakhtar u tagtid haddii aad isku aragtid waxaa ka mid ah:
Miisaankaaga oo luma (dadka qaba cudurkan IBS marnaba ma caatoobaan).

Xanuun joogta ah oo aan baaba’aynin isla markaana sii xoogaysanaya oo saameeya hal meel oo aad farta ku fiiqi kartid (IBS waa yimaadaa waana tagaa inta u dhaxeysa labada xanuun qofku waa caafimaad qabaa).

Qof awalba calooshu fadhiday oo ay ka sii dartay waxaa laga yaabaa inay tilmaan u tahay xiidmaha oo wax isku gudbeen ama xirmeen.

Saxarada oo dhiig lagu arko. IBS wuxuu sababi karaa shuban hase yeesheemarnaba saxarada kuma keeno dhiig.

Calaamadahaas oo ay ku bilowdaan qof ka wayn 50 sano oo aan horay u qabin  waxay abuuri karaan shaki wayn sababtoo IBS waxaa looga bartay inuu is muujiyo waqtiga dhalinyaranimada kadibna uu soo noq-noqdo.

Haddii aadan hubin ama shaki kugu jiro la xiriir dhakhtarkayaga ama kaaga joogtada ah.

Sida loo daaweeyo: cudurkan ma laha daawo looga biskoodo gabi ahaanba waxaase jira daawooyin lagula tacaalo oo ay ka mid yihiin: Colofac, Fybogel, Colpermin

Colofac waxaa ku jira mebeverine, oo u fiican xanuunka calool maroojiska.

Fybogel + colofac oo ah mebeverin iyo fibre la isku daray, dadka qaar waxay sheegaan inuu ka fiican yahay colofac kaligiis.
Colpermin waxaa ku jira waxyaalo dabiici ah oo dajin kara kacsanaanta malawadka.

Haddii cudurkan ku hayo waxaad dalban kartaa mid ka mid ah daawooyinka hoos ku qoran:

Colofac, Mebeverine 135mg, halkii kaniini, sadex jeer maalintii cunada ka hor.

Colofac MR, Mebeverine 200mg oo jirka si tartiib ah u galaya isaga waxaa ku filan inaad qaadatid laba jeer maalintii.
Fybogel Mebeverine, Mebeverine 135mg + ispaghula husk 3.5g wuxuu ka samaysan yahay wax sida burka ama bowdar oo kale ah waxaadna ku qasan kartaa cabitaankaaga aad cabaysid sida biyaha, shaaha, caanaha iwm waxaadna qaadan kartaa laba jeer maalintii.

Colpermin waxaa la qaadan karaa 1-2 kaniini sadex jeer maalintii.

Waxtarka khudaarta iyo buushada (fibre) waxay ku xiran tahay qofka, oo dadna waa ku fiicnaadaan kuwana waaba uga dartaa hase yeeshee waxaan muran ka taagnayn in loo baahan yahay inaad ka fogaatid cunooyinka kugu kicin kara xanuunka. Waxaa kaloo waxtarkooda la ogaaday qofka oo cuna cunto dheeli-tiran oo waqtigeeda lagu cuno, cabitaan badan (ugu yaraan hal litir iyo bar maalintiiba), wal-walka iyo walbahaarka oo laga fogaado. Kaniiniyada ka samaysan bakteeriyada fiican ee jirka saaxiibka la ah (probiotics) ayaa la isku raacay inay waxtar u yeelan karto dibirada caloosha.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog