Tuuga South African ah ayaa tacshiirad rasaas ah la kulmay kadib markii ay isku dayeen inay dhacaan dukaan weyn oo raacsan Kaalin lagu iibiyo Shidaalka.
Tuugadaan oo ahaa dhowr nin ayaa soo istaagay goob lagu bixiyo lacagta oo ay taagneed qof dumar ah oo bixinaysay Lacagta Alabaab ay ka soo qaadatay gudaha Dukaanka.
Waxay iska dhigeen rag wax gadan Raba laakin waxay Bistoolado iska soo jareen markii la furay Qasnad lagu xareen lahaa Lacagta.
Waxaa qeyb kore oo uu Dukaanku leeyahay saarnaa Nin South African ah oo qaba Haweeneyda iska leh Dukaanka.
Ninkaas ayaa laba Bistoolad la soo dagay markii uu arkay Burcada dhacaya Xoolaha Xaaskiisa.
Kaamirada CCTV ayaa duubtay muuqaalka dagaal toos ah oo ka dhax dhacaya gudaha Dukaankaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com