Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo mudooyinkaani ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu maanta daboolka ka qaaday inuusan marnaba ka qeybgali doonin shirka dib u heshiisiinta ee la filaayo inuu ka furmi doono Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Col Barre Hiiraale, ayaa waxa uu hadalkaani maanta ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia.
Barre ayaa sheegay in goor dhow lagu soo wargaliyay in shirkii dib u heshiisiinta Kismaayo ee uu horay u aqbalay dib loo dhigay, isagoo shirka Kismaayo ka furmaya 16-ka bishan Kismaayo ka furmaya uu yahay mid ay wataan urur-goboleedka IGAD iyo sida hadalka uu u yiri kooxda Axmed Madoobe.
Barre oo arrintaasi si caro leh uga hadlay ayaa waxa uu yiri ‘’Aniga ka Barre Hiiraale ahaan waxaan horay u aqbalay in shir dib u heshiisiineed oo Kismaayo lagu qabto si colaadda loogu bedelo nabad iyo wadahadal, balse shirkan waxaan u arkay inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed taasina ma suuragalineyso inaan ka qeybgalo’’ ayuu yiri Barre oo intaa ku daray inaan laga sugin inuu ka qeybqaato shirkaasi, islamarkaana dib ula laabtay go’aankiisa.
Barre oo intaa hadalkiisa kasii anbaqaadayo ayaa waxa uu yiri ‘’Dowlada waxyaabaha looga soo horjeedo ayay kamid tahay in laga aamin-baxoo dowladd waana taas tan aan ku diidnay ka qaybgalka shirka,” ayuu Barre Hiiraale.
Dhanka kale, Col. Barre Hiiraale waxa uu si cad u sheegay inuu isagu taageersan yahay in dowladdu ay noqoto tan hormuudka u ah shirka dib u heshiisiinta Kismaayo, haddii taasi la waayana laga sugeynin inuu suuragaliyo ballankii ahaa ka qeybgalka.
Waxa uu yiri mar kale “Qabashada shir dib u heshiisiineed ma diidani anigu, balse waxaan rabaa in shirka uu u dhaco sida ay dowladdu u qorsheynayso, waxaana heshiiska aan kaga qaybgalayo shir dib u heshiisiineed oo la qabto, sidoo kalena waxaan ka aqbalay wasiiraddii dowladda ee Goobweyn iigu yimid. Waxaana innagu difaacaynaa waa in shirka aan la marin-habaabin,”
Haddalka Barre Hiiraale ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay DFS la gashay Heshiis, balse ay iminka u muuqaneyso in laga talaabaayo heshiiskii lawada dhigtay, waxa uuna barre xiligaani gaashaanka u daruuray inuu la laabto gabi ahaan kalsoonidiisa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com