Farxada qaarkeed waxaa lagu cabiraa aamusnaan,halka dhoolacadeyntuna ay sido micno ka badan ereyada. Waxaa ley weydiiyey inaad jewi farxad ku jiro markaad nolosheyda ka mid tahay,waxaana ku jawaabaa dhoolacadeyn.
Fogaanshaha ayaa go’aamiya qofka aad la kulmeysid noloshaada,laakin keliya qalbigaaga ayaa go’aan ka gaari kara kan noloshaada ku waaraya.
Hadii la i yiraahdo soo tiri sababaha aan adiga kugu jeclahay,waxey igu qaadaneysaa inta nolosha ka dhiman inaan soo xisaaiyo,waayo jaceylkaaga wuxuu iga dhigan yahay duni aniga iyo adiga inoo qaas ah,
Nolosha wax macno ah kuma fadhido hadii aanan kaa helin jaceyl daacad ah oo farxad ku dhisan,waana waxa keliya ee aan kaaga baahanahay inaad wahsi la’aan iiggu deeqdo.
Marka waxwalbo u muuqdaan iney lumeen iyo cidladu deris kula noqoto,ma garan kartid wax aad sameyso.Fiiri gudaha qalbigaaga waxaad ka dhex arkeysaa inuu kaaga banaan yahay boos qaas kuu ah adiga.
Marwalba oo aan ku arkaba aniga xageyga waxwalbo wey ka istaagaan, waxaana ku indho doogtaa quruxdaada. Naftu kama dheragto iney kugu ildoogsato qaabdhiskeeda hagaagsan ee uu alle kuu sameeyey.
Mararka qaar waxaan dayacaa inaan kuu sheego sida aad xageyga muhiim uga tahay,sida joogidaada ay iigu sameyso farqi weyn. Dadka nuucaaga ah wey ku yar yihiin dunida,waxaana rajeynaa inaad garwaaqsatay macnaha aad iigu fadhido.
Waxaad ku soo gashay nafteyda si kedis ah,waxaadna isiisay labo arimood oo kala ah;Dulqaad qalbiga ka soo go’ay iyo nolosha oo ii iftiintay.
Yeysan ereyadaan keliya taabanin indhahaaga, haku dhex safraan naftaada,hana ku dhex nastaano qalbigaaga sida aad keyga u dhex degtay..ogow wadnuhu wuxuu qabaa dhaawacyo caashaq,cidladuna waxey igu sii kordhisaa baahida caashaq.hadalkaaguna waxaan uga helaa sida neecowda macaan nooluhu ugu baahan yahay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com