Dalka Liibiya oo horay u ahaan jiray wadamada Qaarada Africa ama Carabta ugu horeeya dhanka awooda Milatari ayaa iminka waxa uu noqday dal qalalaase iyo dagaal sokeeye ka bixi la´ waliba hubkii iyo Diyaaradihii Milatari ay u gacan galeen shacab aan xirfad u leheen .
Diyaaradaha dagaalka gaar ahaan kuwa wax Duqeeya ee loo yaqaan Miiga ayaa waxaa mar kasta la baxsada Maleeshiyaad aanan cidna ka amar qaadan kuwaas oo kala kulma halis iyo dhimasho maadaama dhoor jeer Miigag dagaal ay ku soo dul dhaceen caasimada dalka Liibiya ee Tripoli iyo magaalooyin ku dhaw .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com