Xaafada bizarre ee dalka Indonesia ayaa sanadkiiba mar waxaa laga sameeyaa xus layaab leh oo loo dhigo dadka geeriyooday waa hore kuwaas oo lafahooda laga soo bixinayo dhar loo geliyo, loo shanleeyo, barafuunno lagu buufiyo kadibna lagu celiyo xawaalahooda.
Xaflada ayaa waxa ay inta badan ka dhacdaa halka loo yaqaanno Toraja oo ah koofurta Sulawesi ,Meydadka ayaa marka lasoo bixiyo waxaa lagu tiiriyaa derbiyo iyada oo loo ekeysiinayo shaqsi taagan oo kale iyada oo ugu danbeynna godka lagu celiyo
Meydadka lasoo fagayo dadka waaweyn oo kaliya maaha ee caruurna waa ku jirtaa sida ka muuqaba sawiradaan lasoo bandhigay.
Sanaadiiqda lagu aaso dadka dhintay ayaa sidoo kale dib looga bedelayaa meydka iyada oo lala aasayo sanduuq cusub.
Xafladaan ayaa magaceeda waxaa loo yaqaan “Xaflada Dib u nadiifinta meydadaka” waxa ayna dhacdaa sanad kasta bisha Agoust.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com