Daawo Gudoomiyihii Jaaliyada Khaatumo ee Dalka New Zealand oo lagu helay dambi ah kufsi oo ugeystay gabar yar!!(Daawo Sawirkiisa)

Monday, September 15, 20140 comments

Nin lagu sheegay Gudoomiyihii Jaaliyada Khaatumo ee magaalada Hamilton ee dalka New Zealand ayaa lagu helay dambi ah kufsi inuu ugeystay gabar rakaab ahayd oo soo raacday tagsigiisa ka dib markii uu si xoog ah uu ku galay gurigeeda islamarkaana uu halkaas ku kufsaday xilli dambe ee habeenkii ah ka dib markii uu gurigeeda keenay. 

Gudoomiyihii hore ee jaaliyada Khaatuma ee magaalada magaalada Hamilton ee dalka New Zealand Keyse Cawil Cabdi oo 48 ano jir ah ayaa waxaa la sheegay in maxkamad ku taala magaalada Hamilton ee dalka New Zealand ay ku heshay dambi ah inuu kufsi u geystey gabar dhalinyaro ah oo aan magaceeda la shaacin laakiinse lagu sheegay inay da'adeedu tahay 29 sano jir, Ninkaan ayaa waxaa la sheegay inay goor dambe oo habeenkii ah ay haweeneydaas soo raacday tagsigiisa iyadoona uu ninkaas haweeneydaas uu ku bilaabay inuu shukaansado asaga oo weydiiyey inay saaxiib leedahay iyo inay jirto cid kula nool guriga, haweeneydaas ayaana u sheegtay inaysan lahayn wax saaxiib ah islamarkaana ay kaligeed nooshahay, Nikaas ayaa intaas ka dib waxaa uu weydiiyey haweeneydaas inuu la yeelan karo xiriir saaxiibtinimo laakiin haweeneydii ayaa ugu jawaabtey inay jeceshay inay marka hore ay si wanaagsan isku bartaan, Laakiin ninkaan ayaan intaas ku qancin iyadoona amarkii ay haweeneydii ka degtey tagsigii oo ay damcsaneyd inay gurigeeda ay gashay in ninkaas ka daba yimid islamarkaana uu si xoog ah uu ku galay gurigii haweeneydas oo uuna halkaas ku kufsaday oo uuna fara xumeeyey gabadhaas. 
Ugu dambeyntiina iyadoo uu ninkaas uu defirey gebi ahaanba dambigaas ayaa baaritaan iyo daba gal dheer ka dib oo ay booliisku sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen ninkaas, Ninkaan oo isku dayey inuu ka baxsado dambigaas ka dib markii uu inkirey haweeneydaas inuu qaadey islamarkaana uu dhaawac iyo isdaba marin u geystey kaamiradii ku xirneyd tagsigiisa ee duubaysay dhaq dhaqaaqiisa sidoo kalena uu ka saarey maskaxdii keydineysay waxa ay kaamirada duubto ayaa waxaa uu dabinka ku soo dhacay ka dib markii shirkada tagsiga iska leh oo isticmaalaysay sisteemka GPS laga ogaadey in tagsiga uu wadey ninkaas uu ku sugnaa cinwaanka ama adareeska guriga haweeneydaas la kufsaday saacadu markey ahayd 2.30 saq dhexe ee habeenimo ilaa 2.48 iyadoona ay arintaas meesha ka saartey beentii uu sheegaayey ninkaas oo ahayd inuusan asau qaadin gabadhaas, Ninkaan ayaa sidoo kale waxaa uu mar dambe ku dooday inay haweeneydaas ay iyadu raali ka ahayd arintaas oo ayana lacag ka qaadatey, Garyaqaanadii qaadaayey dacwadaas ayaa ninkaas waxay ku heleen dambigaas iyadoona ay dhawaantaan ku dhawaaqi doonaan xukunka lagu ridaayo ninkaas kufsaday gabadhaa soo raacday tagsigiisa ee rajeynaysay inuu si nabad ah uu ku geeyo gurigeeda.

Source: FAIRFAX NZ


Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog