Taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliyeed oo warbaahinta u soo bandhigay gabdho Soomaaliyeed ..(Daawo Muuqaal)..

Monday, September 15, 20140 comments

Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa waxaa uu warbaahinta u soo bandhigay gabdho Soomaaliyeed oo fiiso ama dal ku gal been abuur ah damacsanaa inay ku galaan dalka Ugaandha oo dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho ka dib markii la ogaaday inay fiisha ay wataan uu yahay mid been abuur ah.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa waxaa uu warbaahinta u soo bandhigay 3 gabdhood oo Soomaali ah oo dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho ka dib markii ay damceen in fiiso bug ama faalso ah ay ku galaan dalka Ugaandha, Gabdhahaan oo ka amababaxay magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagu qabtey dalka Kenya iyadoona loo sheegay inaysan baasaboorkaas ugu sii safri karin dalka Ugandha maadaama fiisaha saaran uu yahay mid been abuur ah oo aan lagu gali karaan dalkaas Ugandha.

Ugu dambeyntiina iyadoo taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud uu sheegay inay gabdhahaas la qalday oo rag muqalasiin ah ay been u sheegeen ayaa waxaa kale oo uu taliyahu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho si fiican loo adkeeyey baaritaanada la xiriira baasaboorada iyo fiisooyinka been abuurka ah taas oo keentay inay dadka ka shaqeeya arinamahaas ay ka guureen garoonka Muqdisho maadaama aysan howlahoodu ka soconeynin, Gbadhahaan la soo celiyey oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in rag muqalsiin ah ay lacag uga qaateen inay geyn doonaan dalka Ugandha halkaas oo uu ugu diyaarsanaa nin Suudaan ah oo u sii gudbin lahaa magaalada Qaahira ee dalka Masar.



Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog