Daawo Sawirada Dufcadii 8-aad oo ka qalinjabisay Machadka Luuqadaha ee Express ee Magaalada Muqdisho

Thursday, September 18, 20140 comments

Munaasabdan si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen maamulka, macalimiita, ardayda ,Jaamacada SIU, Shirkadaha isgaarsiinta iyo marti-sharf kale, ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 150 arday oo qalinjibiyaal ah oo kasoo baxay Machadka Express institute of languages.

Xaflada ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Riwaayado, iyo majaajilooyin, waxaana abaal mirino lagudoonsiiyay qaar kamid ah kasoo qeybgalayaasha, iyada oo khudbado ka jeediyay masuuliyiin kala duwan.

Maamulaha Guud Ee machadka Express Abdiqadir Xashi Warsme oo gaba-gabdii munaasabda hadal-ka soo jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay barashada afka –Englishka.

“Ha U qaadan in shahaadada aad maanta qaadatay ay tahay dhamamaadkii barashada afka-Englishka, waxaan rabaa in aan kuu sheego in ay tahay bilowgii luqada,” sidaa waxaa yiri Abdiqadir Xashi Warsme

Ardada qaar oo iyana cabiray fikirkooda ayaa waxa ay sheegeen inay joogaan bilaawgii wax-barashada ayna heestaan wadadii wax-barashada iyo furihii wax-barasha ayna ku dadaalayaan in ay heer wacan ka gaaraan iyaga oo u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Machadka ee wax-soo baray.

Horay waxaa machadka uga qalin jebiyay 7-ba dufcadood, waxaana dufcada maanta ay noqoneysaa tii sideedaad tan iyo markii uu hana qaaday.

Express Institute oo dhidibada loo taagay 1996-dii ayaa waxaa uu ka mid yahay macaahida ugu fiican ee lagu barto luuqada Engliska, waxaana ardayda macahadka ka baxaday ku guulaystaan Jaamacadaha dibada ee luqada Engliska ku baxa.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog