Laamiyada Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho sida ay u ekaadaan marka uu Roob ka da’o Magaalada (Daawo Sawirada)

Thursday, September 18, 20140 comments

Dowlada Turkiga ayaa dib u dhis balaaran waxa ay ku sameesay qaar kamid ah Laamiyada Muhuumka ah ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo mudo sanado badan ah aan helin wax dayactir iyo dib u dhis midna.

Qaar badan oo kamid ah Laamiyada Magaalada Muqdisho ayaa dib loo dhisay waxaana marka aad marto Laamiyadaasi dareemaysaa in wax badan ay isbadaleen oo Muqdisho ay cagta saareyso wadadii dib u dhiska.

Injineerada Turkiga ee dhisay Laamiyada Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in aysan ka fikirin dhismaha ay ku sameeyeen Laamiyada Muqdisho , waxaana kamid ah qaladaadka ay sameeyeen in aysan u sameyn laamiyada ay dhiseen meelo biyo mareen ah oo biyaha roobka maraan.

Magaalada Muqdisho marka uu roob ka da’o waxaa Laamiyada Muqdisho gaar ahaan kuwa la dhisay sida Maka Al-Mukarama waxaad ku arkaysaa biyo badan oo fadhiya iyo dhiiqo laamiyada dhinaceeda taala, taa wax badan u dhimaya bilicda iyo quruxda Laamiyada Muqdisho gaar ahaan kuwa dib u dhiska lagu sameeyay.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog