Daawo Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad sugida Gobolka Banaadir Shaawey oo lala Eegtay Weerar Ismiidaamin ah (Warbixin)

Tuesday, September 9, 20140 comments

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad sugida Gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahin Sabriye Shaaweey uu ku dhaawacmay Qarax lala eegtay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shaawey Qaraxa lala eegtay xili uu marayay Aga gaarka Siinka Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in Qaraxa uu dhaawac Fudud ka soo gaaray.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Taliye Xigeenka uu soo gaaray dhaawac fudud oo ka dhashay Qarax Ismiidaamin ahaa oo uu geystay Ruux Naftiis Halige watay Gaari Kaarib ah.

Siidii oo ka hadlaayay Arrintaasi ayaa waxa uu yiri “Xiliga la Qarxinayay Taliye Kuxigeenka waxaa uu ku howlanaa Gurmadka Dadkii maanta ku dhaawacmay Qaraxii Xaawa Cabdi,Gaadiid dab damis ah ayuu watay Shaaweeyey sidaa ayaa lagu qarxiyay”

Galabta ayey aheyd markii Qarax Ismiidaamin ah lagu weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo Ciidamada AMISOM ay wateen oo marayay meel u dhaw isbitaalka Xaawa Cabdi,Qaraxaas oo ugu yaraan 17 Qof ay ku Geeriyoodeen.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog