Nafsa C/llahi ‘’Damac’’ oo ku nool Magaaladda Muqdisho, ayaa waxa ay sheegtay in Xilli ay sugeysay in loo galbiyo Aqalkeeda Cusub laga sii shaqeeyay Furiinkeeda.
Nafsa C/llahi ‘’Damac’’, waxa ay sheegtay in Ninka guursanaayay lagu qasbay uusan aheyn Shaqsi ay iyada dalbatay, balse abaalkeeda laga dhigay in inta aysan tagin Hoygeeda gaarigii galbinaayana uusan soo gaarin aqalkeeda dhex lagu furay, kadib markii ay sheegtay in laga sii shaqeeyay Furiinkeeda isla markaana ay dad ku qaaten lacag.
Nafsa C/llahi ‘’Damac’’ waxa ay tilmaamtay in xiligaani laga aamisan yahay inay garoob tahay balse ninkaasi aysan isla gaarin Hooyga uu dhex ku furay waxa ayna ku dooday Nafsa C/llahi ‘’Damac’’ inay tahay gabar aan weli jirkeeda la taaban.
‘’Aniga waa leygu qasbay ninkaasi ma aheyn dooqeyga lkn waxaa sumcada iyo sharafta iiga dheelay Reerkeyga oo igu iibsaday lacag dhan 500$ laguma xisaabtamin dhibkeyga ee sida xoole ayaa la i iibsaday ‘’ Ayee tiri Nafsa C/llahi ‘’Damac’’.
Dhanka kale, Nafsa C/llahi ‘’Damac’’ waxa ay sheegtay in ninka laga gaarsiiyay warxumo tashiil taasina ay tahay mida sababta u ah furiinkeeda, balse laga xumo tashiilay.
‘’Waxaa jira dad badan oo kala geeya warqadaha been abuurka ah, iyo qoysas badan oo gabdhahooda iibsado, taas uma arko inuu noqonaayo guur lagu waaro’’ Ayee Nafsa C/llahi ‘’Damac’’.
Ugu dambeyntii, Nafsa C/llahi ‘’Damac’’, oo la hadashay Shabakadaan , xarunteeda Magaalladda Muqdisho, ayaa sheegtay in wax waliba ay sabab u yihiin Reerkeeda oo iyagu iibsaday balse daqiiqado gudaheeda lagu soo furay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com