Dhacdo Yaab Badan: Nin xaaskisii looga kexeestay qarash badan oo waalidkeed kusoo dalaceen

Thursday, September 4, 20140 comments

Nin kasoo jeeda magaalada Mberengwa ayaa xaaskiisii xoog looga watay kadib markii labadii dhashay xaaska uu qabay ay dalbadeen in uu bixiyo lacagihii lagu qarash gareyay xaaskiisa intii ay wax barashada ku jirtay.

$2 000 (Laba kun oo doolar) ayaa kamid ah lacagaha laga dalbay oo wax barashadeeda lagu bixyay

Ninkaan oo lagu magacaabo Soton Shumba jirana 45-sano ayaa waxa uu sheegay in uu xaskiisii iyo cunug sanad jir ah oo ay u dhashay laga watay kadib markii hooyada iyo aabaha xaaska ay isaga soo booqdeen weydiiyenna lacagta tirada badan ee isagaa kanixisay.

Mr Shumba ayaa sheegay in gabadha waalidiinteedu ay carqaladeeyeen farxadiisii iyo reyn reyntiisii uu la qaadanayay xaskiisa Ms Rose Shoko.

Waxa uu sheegay in lacagtaasi qaar kabixinayo hasa yeeshee uusan wada awoodin arintas oo cidii gabadha dhashay ay ka diideen, Waxa uuna qorsheynayaa in uu mxakamad ka dacwoodoo si gabadhiisii yareed loogu soo celiyo.

Gabadha hooyadeed ayaa waxa ay shuruud uga dhigtay hadii uu doonayo xaskiisa un uu dib u helo in uu bixiyo lacagta intaa la’ eg ee iskuuleda lagu bixin jiray.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog