Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heshay waxay ugu yeertay ‘’Unug Argagixiso” oo ka tirsan ururka Alshabab, kuwaasoo la rumaysanyahay inay qorsheynayeen inay weeraro ka geystaan magaalada Kampala mustaqbalka dhow.
Sarkiisha Safaarada Marekanka ee Kampala ayaa ku dhawaaqey artintan maanta oo Sabti ah, iyagoo sheegay in Uganda ay kordhisey amniga meelo muhiim ah sida garoonka caalamiga ah ee Entebbe
Madaxdu wali ma aysan sheegin bartilmaameedyo cayiman,
Safaarada Mareykanka ah ayaa kula talisay muwaadiniinta Mareykanka inay ku ekaadaan guryahooda, lana socdaan warbaahinta taniyo inta la cadeynayo xaalka sida uu yahay
Safiirka Soomaaliya, Sayid Axmed ayaa VOA u sheegay in ciidanka booliska Uganda ay baadhitaano ka wadaan xaafaddaha Soomaalidu ka dagan tahay magaalada Kampala.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com