Warbixin: Nin Soomaali Safrin jiray Dumarka Jirkooda ka ganacsada oo lagu riday Xakun

Sunday, September 14, 20140 comments

Maxkamad Rafcaan oo ku taalla magaalladda Nashville ee Gobalka Tennessee ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku riday Nin Somali oo lagu magacaabo Abdullahi Farah, kadib, markii uu diiday inuu ku markhaati furo burcad Somali iyo shisheeye kale oo haweenka u tahriibiya si ay jirkooda u iibiyaan.

Dukumentiyo Maxkamadeed ayaa muujinaya inuu Abdullahi Farah markii hore oggolaadayt inuu Dowladda kala shaqeeya baaritaan kiiskaasi oo ay Saraakiisha rumeysan yihiin in gabdho yaryar loo kala gudbiyo Goballadda Maraykanka, gaar ahaa Minnesota, Ohia iyo Tennessee.

Abdillahi Farah ayaa sheegay inuu ra’yigiisa wada-shaqeynta Dowladda beddelay, kadib, markii ay Burcad kale bilaabeen inay isaga ka shakiyeen, wuxuuna xusay inay labo jeer garaaceen, uguna hanjabeen inay isaga dili doonaan, isla markaana xaaskiisa waxyeello gaarsiin doonaan.

Bihsii April ee sannadkii 2012-kii ayuu Abdullahi Farah diiday inuu ku markhaati-furo 9 Eedeysane oo kusugan magaalladda Nashville, waxayna Maxkamadda amar-diidkiisa darteed ku xukuntay afar bilood oo xabsi ah.

Maxkamadda waxay haddana dhawaan ku xukuntay 15-bilood.

Dhinaca kale, Garyaqaankiisa oo lagu magacaabo James Mackler oo Wakaalladda Wararka ee AP Telefoonka kula hadlay ayaa sheegay inuu garwaaqsan doono inuu rafcaan ka qaato xukunka lagu riday Abdullahi Farah.

Source: AP











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog