Galmada: Raaxaysiga lamaanaha ee ugu fiican waa 10 daqiiqo

Sunday, September 7, 20140 comments

Iska ilow riyadii hore ee ahayd in raaxada sariirtu dheeraato. Raaxada sariirtu ayaa waxa ay ugu fiican tahay 10-ka daqiiqo ee ugu horeeya. Arintana waxa lagu ogaaday baadhitaan cusub oo la sameeyay. Hadaba aqoonyahano maraykan ah oo ka tirsan Sex Theory and Research ayaa waxa ay baadhitaan ku sameeyeen raaxada iyo waqtiga dheer ee ay qaadanayso ee ugu fiican. Waqtigaas oo ay raaxadu noqon karto mid dhib leh oo tartiib u dhacda ama mid dhaqso ah oo jacayl dheer ku jiro.

Dadkii ka qay bqaadanayay baadhitaanka ee la waydiiyay su’aal ahayd intee oo daqiiqo ayay qaadataa galmada ugu fiican, ayaa waxa ay ku jawaabeen in ayna noqon mid waqti dheer qaadata. Baadhitaankaasina waxa ku cadaatay in galmada ugu fiicanina ay qaadato 10 daqiiqo.

Galmada qaadata hal ilaa laba daqiiqo waxa ay u arkeen mid gaaban, halka 2 ilaa 7 daqiiqana loo arkay mid caadi ah. Hadii ay galmadu qaadata in ka badan 13 daqiiqo ayaa waxa ay tahay mid dheer. Laakiin marka uu raaxaysigu ku dhamaado ilaa iyo 10 daqiiqo ayaa ah tan ugu fiican.

Aqoonyahanadiina waxa ay ku taliyeen in wax laga bedelaa fikirkii ahaa: Waa in galmada sariirta la wadaa ilaa iyo waqtigii ay awoodu ka dhamaanayso.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog