Kooxda Real Madrid oo garoonkeeda lagu garaacay iyo Neymar oo Fc Barcelona ka farxiyay (Faaqidaada Horyaalka La Liga)

Sunday, September 14, 20140 comments

Horyaalka dalka Spain ee La Liga oo la ciyaaray kulankiisii 3-aad ayaa waxaa garoonkeeda qaaska ah ee Santiago Bernabeu lagu soo garaacay kooxda Real Madrid. Waa guuldaradii labaad oo xiriir ah oo dusha loo saaro kooxda Los Blancos Real Madrid. 

Kulan Derby ah oo dhex maray kooxaha Real Madrid Vs Atletico Madrid ayaa waxaa 2-1 lagu suul daaray kooxda Real Madrid oo ay u ciyaarayeen laacibiinta lacagta badan ku fadhiya ee kala ah Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Luka Modric , James Rodriguez , Toni Kroos iyo Gareth Bale .

Kooxda Atletico Madrid oo kulankaan gool ku hor martay ayaa waxaa u saxiixay (daqiiqadii 11-aad) ciyaaryahan Tiago balse Laacib Cristiano Ronaldo ayaa ciyaarta bareejo 1-1 ah ka dhigay (daqiiqadii 26-aad) ka dib markii uu dhaliyay gool Rigoore ah. 

Xiddiga Qaranka Turkiga Arda Turan ayaa kooxda Atletico Madrid goolka guusha u dhaliyay dhamaadkii ciyaarta (daqiiqadii 76-aad) . Horyaalka dalka Spain oo la ciyaaray kulankiisii 3-aad kooxda Real waxeey kaga jirtaa kaalinta 12-aad waxaana laga badiyay 2 jeer oo xiriir ah.

*** Kooxda Catalonia Fc Barcelona oo garoonkeeda ku qaabishay naadiga Athletic Bilbao ayaa waxay ku badisay 2-0. Goolasha Fc Barcelona waxaa dhamaan u wada dhaliyay laacib Neymar Da Silva oo paasas farsameysan ka helay Lionel Messi (daqiiqadihii 79-aad iyo 84-aad) . Waa guushii 3-aad oo xiriir ah waxaana horyaalka La Liga 9-dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineeysa kooxda Fc Barcelona.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog