Kullamo aan caadi aheyn oo xiligaani ka socda Magaalada Kismaayo iyo Odayaasha oo wada qoslaayo.

Saturday, September 13, 20140 comments

Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Kismayo ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay Kulamo gooni gooni oo dhex maray Gudiga dib u heshiisiinta iyo Odayaal Matalaya Beelaha jubboyinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddiga uu si xooli ah xiligaani Kismaayo uga dhex wadaan Kullamo ay isugu soo dhaweynayaan Beelaha, waxa uuna kulankaasi imaanayaan iyadoo ay fooda nagu soo heyso furitaanta Shirka isu soo dhaweynta Beelaha Jubbooyinka ee ku kala irdhoobay Siyaasadda.

Gudigan oo loo xilsaaray isku keenida iyo dib u heshiisiinta Beelaha wada daga Gobolada Jubooyinka ayaa kulamo gaar gaar ah Magalada Kismaayo kula qaatay Odayaal ka kala socda qaar ka mid ah Beelaha wada daga Goboladaasi kuwaasi oo kala hadlay sida la doonayo in Beeluhu ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee dhawaan la filayo inuu ka dhoco Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Mid kamid ah Salaadiinta Gobolkaasi oo magaciisa ku sheegay Suldaan Adan Maxamud Garabey ayaa waxa uu Warbaahinta u xaqiijiyay in Guddiga ay si xooli ah u wadaan shirar gaar gaar ah ay kula hadlaayaan Ugaasada Beelahaasi ee wada daga Gobolada Jubooyinka.

Sidoo kale, Suldaanka ayaa sheegay inay balan qaadeen inay kaalintooda ka qaadanayaan shir4ka dhawaan ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto wejiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha jubboyinka kadib markii bishii hore Barre adan Shire lagu qanciyey inuu ka qeyb qato geedi-socodka nabadda ee gobollada Jubba.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog