Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho kusoo kordhayay isbaaro farsameesan oo ay dhiganayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaa oo lacago badan kagaqaata gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Caadiga.
Isbaaradan Cusub ayaa ah mid lagu dhigto Magaca Ciidamada Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko , waxaana Muqdisho kusoo kordhay ciidamo aan katirsaneen Ciidamada Nabad Galyada Wadooyinka oo hadana taagan Wadooyinka Muqdisho.
Ciidamo qaarkood milatari iyo Booliis ay yihiin ayaa soo istaaga Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood kuwaa oo gaadiidka istaajiya kadibna weediiya wadaha gaariga Leesinka iyo Buuga Baabuurka , waxaana dhacda hadii laga waayo Darawalka intaasi in laga qaado lacag baad ah hadii uu diidana lagu qasbayo in uu gaadiidka meesha uga dago.
Laamiyada Magaalada Muqdisho oo markii hore ay ku yaraayeen Ciidamada Nabad Galyada Wadooyinka, waxaa hada usoo shaqo taga oo maalin kasta dadka lacago baad ah kagaqaato Ciidamo katirsan Dowlada oon wadan astaanta lagu yaqaano Ciidamada Taraafikada kuwaa oo qoriga caaradiisa dadka ku cabsiiya kagana qaato lacago baad ah.
Taliska Taraafikada Gobolka Banaadir wali kama aysan hadlin isbaaradan Cusub ee kusoo kortatay Magaalada Muqdisho laguna dhigto magaca Ciidamada Taraafikada, taa oo keeneysa sumcad dil ku timaada Ciidamada Nabad Galyada Wadooyinka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com