Xarunta Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacada Banaadir oo ku yaala degaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho iyo xarumo kale oo Jaamacadu ku leedahay caasimada ayaa waxaa maanta ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ama qubuulka ee Jaamacadaas ee sanad dugsiyeedka 2004-2005 oo ay u fariisanayaan arday kumanaan gaareysa.
Imtixaanka maanta ayaa waxaa kormeerayey masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Banaadir kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay qaabka uu u socday imtixaanka.
Diiwaan hayaha Jaamacadda Banaadir Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in imtixaanka ogolaanshaha Jaamacada Banaadir ay sanadkan u fariisanayaan arday gaareysa 2,500 (Labo kun iyo shan boqol) oo dhamaantood ka baxay dugsiyada sare ee dalka, isuguna jiro hablo iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay iney soo dalbadeen 10-ka kuliyadood ee Jaamacadaas ay ka kooban tahay.
“Si fursad loo siiyo ardayda ka imaneysa dalka dibediisa iyo gobolada dalka ee soo dalbaday Jaamacada Banaadir, waxaa imtixaanka loo kala qaaday saddex qeybood, qeybta maanta fariisatay waa qeybtii koowaad, qeybaha labaad iyo sadexaad dabayaaqada bishan ayay iyana geli doonaan” ayuu intaa ku daray Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir ee sanadkan ay u fariisanayaan arday aad uga badan kuwii sanadihii hore.
“Saaka waxaa farxad inoo ah inaan bilowno Imtixaanka soo gelintaanka ama qubuulka ee Jaamacada Banaadir ee sanadka 2014-2015, waxaana u fariisanaya sanadkan arday gaareysa illaa 2,500 oo ah tiradii ugu badneyn ee abid u fariisata imtixaanka qubuulka Jaamacada mudadii 12-ka sano aheyd ee ay jirtay, waxayna muujineysaa sumcada, tixgelinta iyo karaamada ay jaamacaddu ku leedahay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Dalmar.
Waxaa uu sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay kulliyadihii hore ee Jaamacadda, isla markaana kuliyado cusub lagu soo kordhiyey sanadkan.
“Sanadkan waxaan ku soo kordhinay jaamacada labo kuliyadood oo kala ah kuliyada cilmiga iyo daweynta ilkaha (Dentist) iyo kuliyadda Maamulka iyo Maareynta kuwaasoo 10 ka dhigay sideedii kuliyadood ee horey Jaamacadu uga koobneyd, sidoo kale waxaan ku kordhinay dugsiga taqasuska oo leh heerar kala duwan, waxaa kaloo jira cilmi baarisyo iyo tababaro joogto ah” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha jaamacadda.
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa u mahad celiyey guddiyada Jaamacada ee soo diyaariyey imtixaanka iyo isku dubaridkiisa iyo xogheynada oo uu sheegay iney ka soo shaqeeyeen sidii imtixaankan uu ugu dhici lahaa si cadaalad ah, isagoo ardayda imtixaanka u fariisaaneysa u rajeeyey guul.
Gudoomiyaha ayaa xusay in ardayga ka gudbaysa imtixaanka laga doonayo inuu ugu yaraan %60 keeno si uu uga mid noqdo ardayda Jaamacada, wuxuuna balanqaaday in imtixaanka si cadaalad ah loo sixi doono.
“Waraaqaha imtixaanka lagu galayo laguma qorin magaca ardayda waxaa ku yaala lambar sir, si xitaa macalinka saxaya uusan ardayda magacyadooda u kala aqoonsanin” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo u mahad celiyey aasaasayaasha jaamacada Banaadir, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda wax ka barata Jaamacadaas.
Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa balanqaaday in Jaamacadu ay halkeeda ka sii wadeyso soo saarida jiil aqoon sare leh oo ka qeyb qaata dib u dhiska, horumarinta iyo maamulka dalka.
Waxaan kaloo ka hadlay munaasabadaas Dr. Xasan Xaaji Maxamed Shuuriye oo ka mid ah asaasayaasha jaamacadda Banaadir, Dr. Max’ed Maxamuud Xasan (Biday) oo ah hormuudka kuliyadda caafimadka, C/raxmaan Xasan Cumar oo ah Madaxa imtixaanaadka Jaamacada, C/llaahi Biixi oo ka socday dallada SOMALI-REN iyo xubno kale oo ku dheeraaday heerarka iyo qaabka loo qaadayo imtixaanka qubuulka ee Jaamacada, iyagoo u rajeeyey guul.
Intaas ka dib ayaa qeybaha warbaahinta waxaa lagu soo wareejiyey maktabada dhexe ee Jaamacada Banaadir oo ay yaalaan illaa lixdan kun oo buug iyo maktabad u gaar ah qeybta Electronikada oo iyana ay yaalaan illaa 150 kun oo buug waxaana maamulku ay sheegeen in maktabadahani ay yihiin kuwa ugu waaweyn Somalia ee xaga cilmiga.
Waxaa sidoo kale warbaahintu la soo tusay dhismaha isbitaalka tacliimiga ah ee Jaamacada Banaadir oo beer gebogebo ah maraya kaasoo maamulka Jaamacadu sheegay in dhowaan la qalabeyn doono, sanadka cusubna uu howshiisa bilaabi doono, waxayna xuseen in isbitaalkan uu ka kooban yahay qeybo badan, uuna qaban doono howlo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka bulshada, tababarida ardayda jaamacada iyo sameynta cilmi baarisyada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com