Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida Hogaamiyaha Xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay Duqeyn Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka isbuucii hore ka geesteen Gobolka Sh/Hoose.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane uu dhibaato badan ku hayay umada Soomaaliyeed , waxa uuna tilmaamay Dalka iyo dadka Soomaaliyeed in uu dambi ka galay uuna Soomaaliya u horseeday in ay noqoto hoy ay ku dhuuntaan Argagaxisada.
“Waxaan leenahay dhallinyarada Shabaab ka tirsan, waa uu dhammaadey waqtigii kooxdaasi, sidoo kale kuwa dalalka shisheeyey laga soo qalday, waxaan leenahay ha isaga tagaan dalkan, dalkan Soomaaliya ayaa leh, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan diyaar ula nahay in aan badbaadinno mustaqbalkooda” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay si wada jir ah uga soo horjeestaan waxa uu ugu yeeray Kooxda Nabad Diidka ee Al-Shabaab uu ku eedeeyay in dalka iyo dadkaba ay dhibaato weyn ku hayaan
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com