Scotland waxay ahaan jirtay boqortooyo hore, Haatanna, ayada, England, Waqooyiga Ierland iyo Wales, waxay ka kooban yihiin waddanka Boqortooyada Midowday (United Kingdom).
Caasimaddea Edinburgh, furaha lagu galo telefoonkeeda waa 44, lacagtuna, Pond Sterling, tirakoobkii dadkeeda oo la qaaday 2011-kii, waxaa ka soo baxday 5.295 Malyan.
Glasgow waa magaalada ugu wayn dalkaas. Badda Waqooyi waxaa ku jiro kaydka saliidda ugu badan Midowga Yurub. Tanina waxay keentay in Aberdeen oo ah magaalada 3aad lagu magacaabo, Caasimadda Saliidda Yurub.
Scotland waxay la midowday England 1 May 1707 kaddib markii uu xoog ku qabsaday. Hase yeeshee, habka sharciga ee Scotland (legal System) wuxuu sii ahaa mid ka duwan kan Ingiriiska, Wales iyo Waqooyiga Ireland.
Scots vote
Sii-jiritaanka hay´ad sharci, waxbarasho iyo diineed oo ka soocan dalka intiisa kale, waxay ka qayb qaadatay sii-jiritaanka dhaqanka iyo aqoonsiga qaraneed (National Identity) Sannadkii 1999kii, waxaa dib u dhashay hay´addii sharci dejinta kaddib markii afti la qaaday 1997.
Bishii May 2011kii, Xisbiga Qaranyahanka Scotland (The Scotish National Party) wuxuu ku guulaystay aqlabiyadda Barlamaanka. Sidaa darteed, 18ka September 2014, waxa la qaadi doonaa afti xornimo.
Haddaba, waxa isweyddiin leh, Dadka reer Scotland ma u codayn doonaan inay soo afjaraan 307 sanno oo ay ka mid ahaayeen dalka Boqortooyada Midowday? Saadaasha codaynta ma sugno, mana laysku haleyn karo. Sidaa darteed, la soco natiijada maalinta khamiista.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com