Daawo Video: Weyl 3 Il leh oo Hindugu ku dagaalamayaan inay caabudaan

Tuesday, September 16, 20140 comments

Weyl Sedax il leh ayaa ku dhalatay tuulada Kolathur, ee gobolka Tamil Nadu ee koonfurta India, taasoo noqotay mucjiso looga soo safro gobolada fog fog ee India si ay u caabudaan qowmiyada Hinduuga.

Weyshan ayaa leh Sedax Il, oo mida Sedaxaad ku leh dhexda, waxayna aaminsan yihiin in qofkii caabuda weyshan uu heli doono nasiib wanaagsan.

Milkiilaha weyshan oo lagu magacaabo  Rajesh ayaa sheegay in dhalashada weyshan ay tahay nasiib wanaagsan oo dadku ay heleen si ay u caabudaan.lo-caabudid

‘Tani waa mucjiso, Waxaan aaminsanahay in haddii aan caabudno weyshan in ay na siin doonto nasiib wacan iyo dadka nagu wareegsan. ‘ ayuu yiri milkiilaha weyshan.

Dalka India ayaa dadka ku nool waxay aaminsan yihiin diimo kala duwan, oo qaarkood ay Lo’da ay caabudaan, isla markaana hilibkeeda aysan cunin, waana mid qowmiyado gaar ah ku kooban.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog