Sh. Yuusuf Indha Cadde oo ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaano Hogaamiyaha Cusub ee Xarakada Al-Shabaab

Sunday, September 7, 20140 comments

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed horeyna xilala kala duwan uga soo qabtay Dowlada Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaano Hogaamiyaha Cusub ee Al-Shabaab loo magacaabay.

Indha Cadde ayaa Sheegay in Hogaamiyaha Cusub ee Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu-Cubeyda uu kamid ahaa aas aasayaashii Kooxda Al-Shabaab ee ka faracantay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ee bur buray.

Waxa uu Sheegay Yuusuf Indha Cadde in Hogaamiyaha Cusub ee Al-Shabaab Magaciisa uu yahay Axmed Diiriye , waxa uuna tilmaamay Hogaamiyaha in uu yahay nin aan aqoon badan u laheyn diinta iyo sidoo kale Cilmiga Maadiga.

'' Runtii Axmed Diiriye anigu waan aqaan mana ahan mid aqoon duruqsan u leh diinta iyo cilmiga maadiga ah , mana ahan nin sida Godane oo kale cilmiga ka dhisan , waxa ayna ninkan hada Amiirka Shabaab laga dhigay ay isku famil yihiin Hogaamiyihii la dilay ee Axmed Godane'' Ayuu Yiri Sheekh Indha Cadde.


Yuusuf Indha Cadde ayaa xusay in Hogaamiyahan cusub ee Al-Shabaab ay ku adkaan doonto hogaaminta kooxdaasi , waxa uuna tilmaamay in uu aamisan yahay in aysan jiri doonin dad badan oo ka amar qaata Hogaamiyaha Cusub.


Al-Shabaab ayaa Xalay si rasmi ah u shaacisay in uu dhintay Hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay Duqeyn Mareykanku fuliyay, waxa ayna Hogaamiye Cusub u magacaabeen ninka lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog