Jaraa'idka loogu aqriska badan yahay gudaha dalka Mareeykanka ee New York Times ayaa nuqul ka qoray qaabkii loo qaarajiyay amiirkii ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane kaas oo soo xiganayay mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeysa wasaarada gaashaandhiga dalka Mareeykanka.
Mareeykanka ayaa looga bartay inay ka sheekeeyaan qaabkii ay u dileen dadka inta badan la doon doonayo ee madaxooda la dul dhigay lacagta Malaayiinta Dollar ah. Sargaalkaan ayaa si toos ah u sheegay in gaarigii lagu duqeeyay Amiirka Al Shabaab Axmed Godane ay saareen mid ka mid ah Telefoonada gacanta oo dansan kaas oo hagayay Diyaaradaha dagaalka Mareeykanka kuwooda aanan duuliyaha leheen .
Sargaalkaan wuxuu ka gaabsaday inuu sheego cida ay u adeegsadeen inay saarto Mobil dansan gaariga Axmed Godane balse wuxuu sheegay inay sidoo kale ka war hayeen deegaankii uu ku sii jeeday maadaama ragii uu u socday ay ku wado hadleen Telefoono gacanta ah iyaga oo iska dhigaya shacab waliba is ticmaalayay magacyo kale oo sir ah .
Waxaa iska cad inaysan Mareeykanka dhulka u soo dagin oo aysan gaariga Axmed Godane Telfoon dansan saarin balse ay la shaqeenayeen rag Al Shabaabka ka tirsan oo si weyn ugu xiran Mareeykanka maadaama meesha ay shaqeeneysa lacag xoogan oo qofkii la siiyaa uusan waxba qarin karin (7 Milyan oo Dollar) !!
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com