Soomaaliya oo Bandhig Ganacsi kaga qeyb gashay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

Thursday, September 18, 20140 comments

Kulankan oo ahaa mid Bandhig carweed ah kana dhacay Magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkey ayaa waxaa kasoo qeyb galay Diplomaasiyiin katirsan caalamka.

Kulanka oo ay sidoo kale kusugnaayeen Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowlada Turkey ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha uqaabilsan Safaarada Soomaaliya Ankara ee dalka Turkey Yuusuf Axmed Xasan “Yuusuf Jeego”.

Gudoomiyaha rugta Warshadaha ee dalka Turkiga Mr Nurettın Ozdebır ayaa furay kulanka isagoo sheegay in Turkey ay diyaar utahay in ganacsigeeda ay ku fidiso caalamka.

Sargaalkan ayaa tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan maalgashiga wadamada Afrika, intii uu kulanka socdayna waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha safaarada Soomaaliya ee Magaalada Ankara Yuusuf Axmed Xasan, waxaana ay ka wada haldeen arimaha ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey iyo xiriirka ganacsi ee labada dal.

Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha Yuusuf Jeego ayaa uga warbixiyay Gudoomiyaha Warshadaha dowlada Turkey fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo in Turkey ay tahay dowlad balaaran oo maalgashi ka wada dalka.

Dhanka kale Intii uu kulanka socday ayaa Yuusuf Jeego Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha Safaarada ee Ankara waxaa uu la kulmay Wasiirka Horumarınta ee dalka Turkiga Mr. Cevdet Yılmaz.

“Waxaan Wasiirka usheegay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado dahabi ah oo maalgashi, isagana waxaa uu ii cadeeyay inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya ayna ku tala jiraan inay sii laba jibaaraan howlaha ganacsi ee ay la leeyihiin Soomaaliya”ayuu yiri Yuusuf Jeego Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha Safaarada Soomaaliya ee Turkey.

Kulankan oo ahaa mid caalami ah ayna kusugnaayen madax ka socotay dowladaha caalamka ayaa dhanka kale Yuusuf Jeego waxaa uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhiga dalka Turkey Mr İsmet Yılmaz.

“Dhamaan kulamada aan la yeeshay Madaxda dowlada Turkey guul ayay kusoo dhamaadeen”ayuu yiri Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha Safaarada Soomaaliya ee Turkey. 

Xafiiska Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaarada Soomaaliya Turkey ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu xoojinayo xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkey, iyadoo kulanmada maanta ay ka horeeyeen kulamo kale oo aad ubadan.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog