Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo bandhigay Dukumiintiyo been abuur ah (Daawo Sawirada)

Monday, September 1, 20140 comments

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa maanta Warbaahinta waxa uu xafiiskiisa ugu soo bandhigay dukumintiyo been abuur ah oo la qabtay, kuwaa oo looga been abuuranayay Hay’adaha Dowlada.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya in ay gacanta kusoo dhigeen dukumiintiyo kala duwan oo been abuur ah iyo shaqsiyaad si qaldan bulshada Soomaaliyeed uga iibinayaan dukumiintiyadaas la been abuuray.

“Dokomintiyadan Halkaan yaala ee aad arkeysaan waa howl looga baahnaa inay dowladdu qabato, Laakiin dad ayaa si gaar ah u adeegsanaya, waxa aad arkeysaan waa dukumintiyo been abuur ah oo bulshada lagu qaldayo, waxaana ku jirta kuwa loo sameeyay burcad badeed oo lagu qaldayo inay ka tirsanyihiin Kalluumeysatada Soomaaliyeed”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in sharciga lala tiigsadn doono shaqsiyaadkii lagu soo qabtay dukumiintiyadan been abuurka ah, waxa uuna tilmaamay in lagu daba jiro dad kale oo howlo nuucan ah ku hoolan.






















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog