Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeybqaatay shirkii looga wada xaajoonaayay Arrimaha Argagixisada Afrika (Daawo Sawirada).

Wednesday, September 3, 20140 comments

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu maanta ka qeybqaatay shirkii ka furmay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Ujeedka shirka ayaa waxa uu ahaa mid looga arrinsanaayay Awoodaha Al-qaacidada Africa ee kusii baahaya qeybo kamid ah Dalalka Africa iyo sida loola la dagaallami lahaa argagaxisadaasi.

Madaxdii kale ee ka qeyb gashay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Madax weyneyaasha dalalka Kenya, Somalia, Nayjeeriya, Jaad, reysul wasaaraha Aljeeriya iyo madax ka socotay dalalka Liibiya, koonfur Afrika, Itoobiya iyo dalal kale.

Madaxda Afirca waxa ay si qoto dheer leh uga wada arrinsadeen tallaabooyin dhaxal-gal ah oo lagu horumarin karo dadaaallada socda ee la doonayo in wax looga qabto halista kooxaha argagaxisada ahi ku hayaan Afrika.

Sidoo kale, shirak ayaa ahaa mid daba socda kullan dhowaan madaxda Midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Dhanka kale, Shirka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo qeybo ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay ka billowdeen howlgallo milateri oo ka dhan ah malleeshiyada Al-Shabaab.





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog