Xaflad lagu soo dhaweynayo R/Wasaaraha Somalia iyo waftigiisa oo ka dhacdey magaalada Birmingham (Daawo Sawirada)

Wednesday, September 17, 20140 comments

Xaflad ballaaran oo si diiran loogu soo dhaweynayo Wafti heer qaran oo uu horkacayo Ra,isul-wasaaraha soomaaliya Dr. Cabdi-weli Sheekh Axmed ayaa abaarihii 8 fiidnimo ka dhacdey magaaladaan birmingham.

Xafladdaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qeyb galey, qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaan Birmingham, iyo waliba qaar kale oo ka yimid daafaha iyo dacalada waddankaan United Kingdom.

Waxaa sidoo kale xafladdaan goob-jooge ka ahaa qeybaha kala duwan ee Saxaafadda, sida Telefishinka Qaranka ee SNTV, Radio Muqdisho, Somalisat TV, Somali-channel, Royal TV., www.gubtanews.com iyo Shabakadda Allbanaadir.com Waxaanna inta ay xafladda socotey si toos ah looga daawenayey Telifishinka Qaranka, iyadoona sidoo kale si toos ah looga dhegeysaney Radio Muqdisho.

Booqashadaan Ra,isul-wasaaraha ee waddankaan UK ayaa waxaa ku wehliyliya wasiiro, Xildhibaanno iyo madax kale oo dawladda ah, kuwasoo magaalada London oga qeyb geli doono kulan ballaaran oo looga hadlayo ammaanka Soomaaliya.

Heestii astaanta qaranka iyo aayado quraanka kariimka ah oo ay xafladdu ku bilaabatey kadib, ayaa waxaa codbaahiya lagu soo dhaweeyey oo halkaas ka hadley qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u hadleyey qeybaheeda kala duwan, kuwaasoo kala ahaa:

Shariif Axmaddeey oo ku hadlayey magaca odayaasha reer Birmingham.
Sahra Dool oo ku hadleysey magaca gabdhaha ama hooyooyinka soomaaliyeed.
Saciid Ereg oo ku hadleyey magaca ganacsatada reer birmingham.
Sheekh Cabdaraxmaan Maxamuud Xirsi (Tajwiid) oo isagana ku hadlayey magaca culumaa,uddiinka magaalada Birmingham, kaasoo ah Immaamka misaajidka weyn ee Alraxma.
Waxaa sidoo kale xafladdaan ka hadley Aadan Maxamed Cali oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda xannaanada xoolaha ee dawladdii dhexe ee Kacaanka ahayd, kaasoo Ra,isul-wasaaraha iyo waftigiisa hordhigey tallooyin waxgal ah oo horseedi kara in la helo dawlad wannaagsan oo soo celiso nidaamkii iyo kala dambeyntii kal hore lumey.

Waxaa kadib halkaas ka hadley qaar kamid ah waftiga ballaaran ee la socda Ra,isul-wasaaraha Sida, Wasiirka Gashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka warfaafinta Mustafa Dhuxuloow iyo xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Intaa kadib ayaa waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Ra,isul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaasoo halkaas kasoo jeediyey khudbad yar oo kooban, taasoo dhinacyo badan taabaneysey.

Waxaa ugu horeyntiiba uu Ra,isul-wasaaraha uu jaaliyadda reer Birmingham oga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay isaga iyo waftigiisa usoo dhaweeyeen, taaasoo uu ku tilmaamey in ay dhiirigelin fiican u tahay isaga iyo waftigiisa. Wuxuu sidoo kale Ra,isulwasaaruhu u mahadceliyey dawladda UK, sida ay usoo dhaweysey kummannaan kun oo Soomaali ah.

Khudbadda Raisul-wasaaraha iyo wasiirkiisa Gaashaandhiga, waxaa labadaba ku jirtey in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah looga baahan yahay taageero dhaqaale oo lagu dhiso ciidamo tayo leh oo suga amniga.

Waxaa Ra,isulwasaaruhu uu hakaas ka sheegey inaanay marnaba Jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeye isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh maxamuud, taasoo uu ku tilmaamey been aan sal iyo baar lahayn oo ay Shabakadaha Soomaalidu buun-buuniso, si loo aqristo.

Waxaa kale oo khudbadda Ra,isul-wasaaraha kamid ahaa oo laga xusi karaa in nidaamka fedaraalku uu yahay xalka ugu macquulsan ee lagu soo celin karo nidaamkii dawliga ahaa.
Mar uu ra isul-wasaarahu ka hadley dhinaca Amniga ayuu wuxuu si cad u sheegey in mar dhaw inta aanu dhammaan sanadkaan 2014 ka, ay Soomaaliya ka suulin doonaan kooxaha nabaddiidka ah ee Alshabaab.

Ma ahayn wax qoraal lagu soo koobi karo khudbaddii Ra,isul-wasaaraha hase yeeshee ugu dambeyntii waxaa Ra,isul-wasaaru Jaaliyadda reer Birmingham uu ugu baaqey iney noqdaan horseed lagu daydo oo wax weyn ka tara dibu-dhiska dalkooda hooyo.

Geba-gabadii xafladdaan ballaaran ayaa waxaa ay ku dhammaatey jawi ay farxadi ku dheehan tahay, kaasoo Jaaliyaddii ka qey gashey ay aad maqsuud oga wada ahaayeen, waxaanna Ra,isul-wasaaruhu uu midmid u gacan qaadey Jaaliaddii ka qeyb gashey kulankaan.




Daahir. F. Afdheere
Email. Gulaan1969@yahoo.com
Birmingham, United Kingdom











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog