Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose halkaas oo maanta ka furmay wajiga labaad ee Shirka dib-u heshiisiinta dadka daga Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha iyo xubnaha lasocda waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada KIsmaayo si diiran ugu soo dhaweeway Masuliyiin katirsan Maamulka KMG ee Jubba iyo dadweyne badan oo loogu tala galay soo dhaweynta wafdigan.
Wararka aan hada ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Goordhaw Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu si rasmi ah u furay Shirka Dib-uheshiisiinta beelaha dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Shirka Maanta ka furmay Magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb galaya qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo , waxaana shirka maanta furmay aan ka qeyb galeen Col.Barre Aadan Shire Hiiraale oo horey loo qorsheeyay in shirkan uu ka qeyb galo.
Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com