Al-Shabaab oo si kulul u beenisay War been abuur ay ku tilmaameen oo kasoo baxay Dowlada Uganda

Tuesday, September 16, 20140 comments

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay Warar ay maalmahan baahinayeen Qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka oo soo xiganayay Saraakiil katirsan Dowlada Uganda .

Al-Shabaab ayaa been abuur iyo warar la dhoo dhoobay ku tilmaantay Hadalo ay sheegeen Masuuliyiin katirsan Dowlada ugaanda oo ku aadanaa in ciidanka ammaanka wadankaasi ay fashiliyeen Weerar ka dhici rabay magaalada Kampala.

"Maalmahan waxaan warbaahinta ka maqlaynayay warar dacaayaad ah oo ay faafinaysay dowladda Nasaarada Uganda oo ku aadanaa in ay fashilisay weerar ay mujaahidiintu qorsheeyeen oo gudaha Uganda ka dhici lahaa,wararkaasi waa been aan raad laheyn haba yaraatee majiraan weerar ay mujaahidiintu qorsheeyeen oo Uganda fashilisay"ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab.

Xarakada Al Shabaab waxay soo hadal qaaday sheegashada saraakiisha Uganda ee ah in ay gacanta ku dhigeen muwaadiniin Soomaali ah oo Al-Shabaab lala xariiray iyo walxaha qarxa iyo hub,wararkaasi oo idil ayay Shabaab ku sheegeen been abuur la doonayo in lagu duugo fashilka ciidanka gumeysiga AMISOM kasoo wajahay Soomaaliya.

"Museveni markii ciidankiisu ku jabeen duullaanka Soomaaliya oo shacabka soomaaliyeed ogaadeen damban daabyadooda ayay bilaabeen in ay dadkooda ku mashquuliyaan dacaayad aan jirin oo ah in ay fashiliyeen weerar mujaahidiintu qaadi rabeen,haddii mujaahidiintu qorsheeyaan weerar way fulinayaan insha'allaah suurtagalna ma ahan in hay'adahooda ammaanka ay ka hortagaan camaliyaadka mujaahidiinta"ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Al-Shabaab .

Warka kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in ujeedka Uganda ka laheed qaadidda howlgalka raafka ah ee ka dhanka ah jaaliyadda soomaalida uu salka ku hayo boobka hantida shacabka soomaaliyeed in caalamka lagu hilmaansiiyo fadeexadii AMISOM kala kulantay kufsiga joogtada ah oo ay kula kacdo Haweenka Soomaaliyeed.

Hadalkan kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay Dowlada Uganda sheegtay in howlgalo laga sameeyay qeybo kamid ah Caasimada Dalkaasi lagu qabtay waxyaabaha qarxa iyo rag lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog