Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Dheere oo ka warbixiyay socdaal uu ku tagay qeybo ka mid ah Galgaduud iyo Hiiraan

Thursday, August 9, 20120 comments

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka warbixiyay socdaal uu in muddo wafdi uu hogaaminayay ku tageen qeybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan oo inta badan gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Cali Dheere oo wareysi siiyay Idaacada Al-Andulus ee ku hadasha Afka Shabaab ayaa booqasho ku tagay degmada Ceelbuur oo ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya iyo deegaano kale, halkaas oo uu kula kulmay Waxgaradka, odayaasha deegaanka iyo bulshada deegaanka.

"Waxaa soo aragnay dad ku faraxsan jabka soo gaaray cadawga, waxaa la kulanay bulshada deegaanada oo u hambalyeynaya Mujaahidiinta"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo in muddo ah aan qalabka Warbaahinta ka hadlin.

Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in socdaalka wafdiga uu hogaamianayay uu ahaa mid ay ugu guur galayeen xaalada deegaanada iyo dareenka dadka, isagoo tilmaamay in deegaanada ay tageen ku soo arkeen dadka oo ku faraxsan kana soo kabana duulaanka ay ku soo qaadeen Ciidamada Itoobiya sida uu yiri.

Mar uu ka hadlay socdaalka Ceelbuur ayuu sheegay inuu ku soo arkay dadka oo isku duuban, isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen dadka deegaanka oo uu xusay inay door ku lahaayeen ka bixitaanka Ciidamada Itoobiye ee degmada Ceelbuur.

Cali Dheere ayaa sidoo kale ugu baaqay odayaasha iyo dadka degan Galgaduud inay iska kaashadaan sidii degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel looga dul qaadi lahaa cadawga, isagoo xusay in inta badan Ciidamada Itoobiya ay u huleeleen Isgoyska Kala-beyrka, halka ciidamo kooban difaac ka galeen Guriceel sida uu yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee soo galay deegaanada Galgaduud ay la kulmeen ciqaab xanuun badan, isla markaana ay ku gaarsiiyeen qasaare lixaad leh, waxaana uu tilmaamay in dagaalka ay sii soconayaan ilaa deegaanada ay ku hareen laga xoreynayo.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog