Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar qaraxyo iyo rasaas daba socotay ku qaaday fariisin Ciidamada AMISOM ku lahaayeen nawaaxiga Wadada Warshadaha, iyadoo la maqlay rasaas xoog leh oo la is weydaarsanayay muddo kooban.
Weerarka ayaa lagu qaaday fariisin Ciidamada Brundi ku lahaayeen dhabarka dambe ee Warshadii Taraqa iyo Sigaarka abaarihii 7-dii fiidnimo, waxaana lagu tuuray dhowr bambaano iyo rasaas.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay mar qura ka war heleen qaraxyo iyo rasaas dhaceysay, taasoo qal qal badan ku reebtay, iyadoo kooxihii hubeysnaa ee weeraray ay goobta ka baxsadeen.
Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka yahay weeraro xilliyada habeenkii ka dhaca magaalada oo lagu qaado fariisimaha Ciidamada dowladda iyo AMISOM.
Dhowr cisho ka hor ayay aheyd markii Guri ku yaal Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley lagu weeraray Askar ka tirsan dowladda.
Magaalada Muqdisho ayaa isu diyaarineysa doorashada madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo ay ku soo qul qulayaan siyaasiyiin badan oo musharixiin ah oo doonaya inay ka qeyb galaan tartanka murashaxnimo ee Madaxtinimada Soomaaliya.