Isku dhac Xoogan Oo Dhimashana keenay oo dhaxmaray Taageerayaasha Sheekh Shariif iyo Farmaajo

Thursday, August 9, 20120 comments

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Raizul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo kaa oo soo dhaweyn aad u heer sareesay Muqdisho loogu sameeyay.

Boqolaal Dadweyne ah oo aad ugu faraxsanaa in Farmaajo Muqdisho dib ugu soo laabto misana uu Madaxweyne isku soo sharaxo ayaa iskugu soo baxay Wadooyinka Muhiimka h ee Muqdisho iyaga oo wata Boorar gawaari ,Mootooyin xidhnaana funaanado sawirka Farmaajo ku sawirnaayeen.

Xili dibad buxu aad u socday dadkuna ay faraxsanaayeen kuna sugnaayeen Barxada Sayidka ayaa mar qura xaalku isbadaly kadib markii ay goobtaasi soo gaareen gaari ay wateen sida la sheegay Taageerayaasha Sheekh Shariif Sheekh Axmed Rasaas Xoogana dadkii ku furay.

Gaari Homy ah ayna ku xardhanaayeen Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo garay goobtii ay kusugnaayeen Taageerayaasha Farmaajo iyadoona Taageerayaasha dhagxaan ku tureen Gaarigaasi goobtana uu ka tagay.

Waxaa daqiiqado kadib goobta soo gaaray gaarigii Homyga ahaa iyo Gaari kale Nuuxa Raaxada ah oo loo yaqaan Leylo Calaawi isna sawirada Madaxweynaha ku dhagnaayeen gaariga oo dadweynaha ku bursaday kuna amray in goobta katagaan .

Askari katirsanaa Taageerayaasha Farmaajo amaankana sugayay ayaa gaaaigii Layla Calaawiga ahaa ku amray in uu rabshada dhaafo kana leexdo dadka hasa ahatee waxaa durba la huwiyay Rasaas fara badan oo sababtay in goobtaasi ku geeriyoodo ASkarigii ,waxaa sidoo kale goobta ku dhintay Nin oday ahaa ,waxana ku dhaawcmay ilaa 2-Qof oo kale rayid ahaa.

Dibad baxayaashii ayaana goobtaasi iskaga Cararay iyadoona la isweediinayo sababaha keenay in Taageerayasaha Sheekh shariif Rasaas la dhacaan Dadkii Dibad baxa dhigay kalana eryaan.


Dadkii ayaana Durba goobta ku kala cararay iyadoo sidoo kale goobta soo gaareen Gawaari codbaahiyaal ku xirnayaeen ay laheed Hay;’ada Nabad Sugida kaa oo dadweynaha ku amray in goobta ka dareerana hadii kale goobtasai ka dhici doonaan falal amaanka lidi ku ah.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog