Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika Soomaliya Ambassador Boubacar Diarra ayaa sheegay in howaha ay ka wadasn AMISOM dalka Soomaaliya ay sii wadi doonaan iyadoo ay saddex dayuuradood oo Helicopter ah ay burbureen.
Dayuuradahan ayaa burburay iyagoo ku sii jeeda dalka Soomaaliya.
saddexda helicopter ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen afar helicopter oo loo soo direy Somaliya si ay u taageeraan AMISOM, markii ugu horeysey muddo shan sano ah oo ay ciidamdaa AMISOM joogaan dalka Soomaaliya.
Saddexda helicopter ayaa waxa ay ku dhaceen Axadii gudaha dalka Kenya kadib markii ay hawada xumaatay.
14ruux ayaa ka badbaaday burburka helicoptarada iyagoo la helay waxaana weli socda baaritaano lagu doonayo in lagu soo helo shan askari oo ku muqan burburka dayuuradahan .
Ambassador Diarra ayaa waxaa uu tacsi u direy qoysaskii askartii ku geeriyootay burburka dayuuradahan.
Waxana uu Ambassadorka intaa uu ku daray in AMISOM ay ka go’an tahay in ka qeybqaadato horumarinta dalka Soomaaliya waxana uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamiga ay sii wadaan taageerida iyo tababarka ayna soo bedelaan dayuuradihii burburay iyo shaqaalihii saarnaa.