Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed "hadii R/Wasaaruhu musharax noqdo, Xukuumadu wax saameyn ma yeelaneyso" (Daawo Sawirada)

Thursday, August 16, 20120 comments

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go'aanada Xukuumada aanay wax saameyn ah laheyn, isagoo si ka jawaabay hadal ka soo baxay Xukuumada oo ku naqdisay wareegtooyin Madaxweynaha ku magacaabay degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.

Madaxweyne Shariif oo dadweyne fara badan oo taagnaa wadooyinka ay ku soo dhoweeyeen, isagoo socod ku maray wadada Maka Al-Mukarama oo uu ku gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay.


Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.


Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, isagoo rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay.


“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda"ayuu yiri Madaxweynaha.


Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu.


“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri.


“ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.


Shir dhowaan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ayay sharci daro ku tilmaameen wareegtooyinka Madaxweynaha uu degmooyinka ku aqoonsaday.




















 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog