Aqriso Magacyada ‘Hogaamiyaashii Kooxaha oo Si rasmi ah ugu Biiray Baarlamaanka Somalia loona qeybiyay Kaararkii Aqoonsiga

Thursday, August 30, 20120 comments

Hogaamiyaashii Kooxaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya kadib markii loo qeybiyay lana siiyay kaararka Aqoonsiga ee kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Maxkamada Sare ee Dalka ayaana go’aan kama dambeys ah Shalay ku ogolaatay in Xubnihii loo diiday in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub oo u badnaa Hogaamiyaashii Kooxaha loo ogolaaday in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub .


Xubnihii Gudiga Farasada ayana u muuqda hada kuwa ku fashilmay Go’aankoodii ahaa in ay ka hor istaagaan Raga ay ugu yeereen Dambiilayaal dagaal xili aysan jirin Maxkamad la saaray ragaan oo Dambiyada Dagaal ku oogtay.

 
Xubnahan maanta la siiyay Kaararka AQoonsiga kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ayaa muujiyay dareen farxadeed iyagoona sheegay in ay soo dhaweenayaan Go’aanka Maxkamada sare kuna faraxsanyihiin in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.


Xubnahan ayaana lagu wadaa in Maanta ama beri lagu Dhaariyo Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb noqdaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee hada bilaabay howlahooda Shaqo shalayna doortay Gudoonkii Baarlamanaka Soomaaliya.


Aqriso Xubnaha Kaararka loo Qeybiyay Magacyadooda.


1-Maxamed Qanyare Afrax
2-Bootaan Ciise Caalin
3-Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)
4-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
5-Maxamed Ibraahim Xaabsade
6-C/casiis Sheekh Yuusuf
7-C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
8-Axmed Ducaale Geelle Xaaf
9-Xirsi Aadan Rooble
10-C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf (Luga-Dheere)
11-Maxamed Faarax Jimcaale
12-Aadan Maxamed Nuur Xaydar (Aadan Saransoor)
13-Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale
14-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafi
15-C/llaahi Sheekh Ismaaciil


 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog