Aqoonyahanada Digil iyo Mirifle oo si weyn usoo dhoweeyay Guusha uu gaarey Prof Maxamed Jawaarey Gudoomiyaha Baarlamaanka

Thursday, August 30, 20120 comments

War saxaafadeed oo uu ku saxiixanaa Guddoomiyihii hore Jaaliyada Somalida dalka Gariiga Ilyaas Cali Xasan ayaa lagu sheegay in doorashada Prof. Jawaarey ay tahay mid usoo hooyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dowlada Somaliya oo haatan ka baxday KMG-nimadii ay kusoo jirtay mudada dheer.

Qoraalkaan oo loogu tala galay Saxaafada yaa lagu sheegay in Prof, Maxamed Cisman Jawaari uu yahay shakhsi aan wax lug ah ku yeelan dhibaatadii wadanka Soomaaliya ka dhacday 21 sano ee lasoo dhaafay islamarkaana ahaa Muwaadin jecel horumarka dalka iyo dadkiisa Soomaaliyeed.


Sidoo kale doorashada Jawaari waxaa ay muhiim u noqoneysa xilligan xasaasiga ah ee ay Soomaaliya ay samaysatay dowlad Dastuuri ah islamarkaana wadanka uu yeelanayo Hogaan cusub oo lagu doorto dalka gudihiisa, taasoo soo gaba gabeyneyso 21-sano kadib markii dalka ay ka jireen Dowladdo KMG ah oo dhamaantood dalka dibadiisa lagu soo dhisay.

 
Soomaaliya waxaa usoo ifbaxaya fursad balaaran oo lagu hannan karo nabad waarta iyo xasilooni, waxaana taas ku mahadsan Mudnayaasha cusub ee Baarlamanka Soomaaliya oo gartay cida mudan inay noqoto hogaanka Baarlamanka kana fekeray kartida iyo aqoonta masuulka ay dooranayaan iyo sida gambasho la’aanta ah ee ay ku doorteen Maxamed Cismaan Jawaarey oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu yahay shakhsi ahmiyada koowaad siindoona danta guud ee dalka diyaarna u ah inuu hubiyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan matalaad fiican, si looga macaasha nidaamka cusub haatan curtay loona hanto kalsoonida shacabka iyo xaqiijinta nabad waarta isalamarkaana hogaan ku dayo mudan u noqondoono Golaha shacabka ee loo doortay iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.


Geba gebadii warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri Waxaan ugu hambalyeynaynaa hufnaanta, howlkarnimada iyo wadaninimada ay muujiyeen xubnaha Golaha Baarlamanka kuwaas oo si xilkasnimo leh u gutay howlahooda doorasho iyo xaqiijinjta hogaanka ku haboon baarlamaanka Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan xubnaha Baarlamanka in doorashada Guddoomiyaha baarlamanka iyo Kuxigeenadiisa si lamid ah ay u dhacdo Tan Madaxweynaha ee lafilayo in dhacdo xiliyada soo socda.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog