Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo soo dhoweeyay doorashadii Prof. Jawaari

Thursday, August 30, 20120 comments

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa neef ka soo booday markii ay maqleen warka ku saabsan in Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu ku guuleystay xilka Gudoomiyaha baarlamaanka, doorasho shalay ka dhacday Xaruntii School Polizio.

Inkastoo isha lagu wada hayay dhaq dhaqaaqyada doorashada iyo hadba meesha ay marayeen, hadana sida ay wax u socdeen ayaan aheyn gari labo qof kama wada qoslisiiso, maxaa yeelay Musharaxiinta aan ku heybta aheyd Jawaari ayaa dhowrayay in natiijada ay noqoto sida ay wax u rabaan.


Ra'iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah musharax ayaa sheegay inay tahay guul la gaaray in Baarlamaanka uu yeesho gudoon cusub, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.


Farmaajo ayaa sheegay in tallaabo muhiim ay tahay in Baarlamaanka uu doorto shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo leh, isagoo ugu baaqay Gudoomiyaha cusub inuu wax ka bedelo hab dhaqankii lagu yaqiin Baarlamaanka.


Musharaxa Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub, waxaana uu u rajeeyay guul iyo horumar, isla markaana alle u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday.


War ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Musharaxa Dr. Baadiyow ayaa lagu sheegay in is bedel weyn uu soo if-baxay, iyadoo shacabka Soomaaliyed loogu hambalyeeyay is bedeladaas.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog