Bam lagu weeraray boolis ku sugnaa kaniisad ku taal magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Thursday, August 30, 20120 comments

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in afar boolis ah ay ku dhaawacmeen xalay kadib markii bam lagu weeraray.

Ciidamadan ayaa waxa ay ilaalo ka haya kaniisad ku taal bartamaha magaalada Mombasa. Nin dhalinyaro ah oo loo malaynayo in uu ka mid ahaa dhalinyaradii bamka soo tuurtay ayaa sidoo kale dhaawacmay waxaana la dhigey isbitaal.


Amborse Munyasia oo ah madaxa dambi barista ee gobolka xeebta Kenya ayaa beeniyey in wax dhimasho ah ay ka dhacday weerarkas sida ay sheegayeen warar hore oo soo baxayay, hase ahaatee waxa uu xaqiijiyey sarkaalkan dhaawaca afarta askari.


Weerarkan xalay lagu qaaday ciidamada booliska magaalada Mombasa ayaa dhacay xilli ay degenaano ku soo noqoneysay magaalada Mombasa oo labo maalmood ay banaanbaxyo rabshado wata ka dhacayeen kadib markii lagu diley magaaladaas Sheekh Aboud Rogo oo ka mid ah culumada ugu caansan magaalada Mombasa.


Illaa iyo 24 ruux ayaa maxkamad la soo taagay Arbacadii, hase yeeshee ku simaha wasiirka amniga gudaha ee dalka Kenya Yusuf Haji ayaa sheegay in illaa iyo 32 ruux loo qabtay rabshadihii ka dhacay Mombasa.


Dowlada Kenya ayaa magacawday 11 ruux oo soo baarta dilkii Sheekh Rogo iyo rabshadihii xigey oo ay ku dhinteen afar ruux oo saddex kamid ah ay ahaayeen ilaalada xabsi,


Hogaamiyaasha qabaa’ilka ayaa guri guri dadka u booqanayay iyagoo ugu baaqayay in ay ka fogaadaan rabshadaha.Ku simaha wasiirka amniga dalka Kenya Yusuf Haji oo ku sugan magaalada Mombasa ayaa cambaareeyey dabkii la qabadsiiyey kaniisado ku yaal Mombasa.


“Waxaan ka codsanayaa dhamaan waalidiinta Mombasa inay carruurtooda ka celiyaan inay weeraraan kaniisadaha ayna dhibaato u keenaan Mombasa.Dowladuna uma dulqaadan doonto arrimahaas si adag ayaana uga hortagayn,”ayuu yiri Haji.

Waxana uu wasiirka oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya uu sheegay in dadka ay sabraan lana baari doono cidii ka dambaysay dilkii Sheekh Aboud. Waxana uu wasiirku amaanay hogaamiyaasha diinta kuwaasoo ka hortagay in arrinta loo rogo Kirishtaan iyo Muslimin.

Aroornimadii Arbacada ayaa dadka ku nool magaalada Mombasa waxa ay ku soo tooseen iyadoo ciidamo faro badan ay joogaan wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Waxana keenista ciidamadan ay ka dambaysay iyadoo la qorsheeyey in uu magaalada Mombasa soo gaaro madaxweynaha dalka Kenya Kibaki si uu u furo bandhiga la magic baxay Mombasa International Show.

Meelaha qaarkood ayaa waxa ay booliska ay sameeyeen baaritaan guri ka guri ah gaar ahaan agagaarka masjidka Jamaca halkaa oo ay dhalinyaro badan ay ka soo abaabulayeen banaanbaxyo.


Booqashada madaxweyne Kibaki ee Mombasa ayaa dib u dhacday waxaana lagu wadaa in uu maanta gaaro si uu uga qeybgalo furitaanka carwada lagu soo bandhigayo cuntada laga soo saaro dalka Kenya.


Kibaki ayaa la filayaa in uu ka hadlo qalalaasaha ka jira magaalada Mombasa. Waxana wararka ay sheegayaan in laga cabsi qabo in maalinta Jimcaha salaada ka dib ay banaanbaxyo dhigaan Muslimiinta ku sugan magaalada Mombasa.

Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog