Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dagmooyin cusub loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Bakool.
Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday deegaanka Far-libaax oo ka tirsan gobolka Hiiran taariikhda markii ay aheyd 12 April sanadkan 2012.
Sidoo kale wareegto kale oo ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Shariif ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday deegaanka Qurac Joome oo ka tirsan gobolka Bakool taariikhda markii ay aheyd 12 April isla sanadkan.
Dhanka kale Wasaaradda arrimaha gudaha iyo aminga qaranka ayaa ugu baaqday hay’adaha dowliga ah in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhisaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka shacabka si loo hormariyo kaabeyaasha dhaqaale ee dagmooyinka cusub.