Labo wiil walaalo ah oo lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha

Thursday, August 30, 20120 comments

Labo wiil oo walaalo ah ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ku soo badanayeen dilalka qorsheysan ee ay geysanayeen Kooxo Bastoolado ku hubeysan.

Sida ay sheegayaan wararka mid ka mid ah wiilasha dhalinyarada ayaa dhowaan ka yimid dalka Sacuudi Carabiya, halka wiilka kalena uu dhiganayay Jaamacada Simad.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo qaraabo la ahaa labada dhalinyaro ee la dilay ayaa sheegay in Ragg labisan dharka shacabka ay dileen labada wiil walaalaha ah.

"Labada wiil walaalo ah, waxaa dilay labo dhalinyaro Bastoolado ku hubeysnaa, mid ka mid ah todobaad ayuu joogaa Sacuudiga ayuu ka yimid, wiilka kalena sanadkii u dambeeyay Jaamacada Simad ayuu dhiganayay"ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ugu baaqay Hey'adaha ammaanka dowladda in sharciga horkeenaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhaca dilal ay geystaan ragg hubeysan, mana jirto cid loo soo qabtay.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog