Daawo Sawirada:- Madaxda Dowladda Soomaaliya Oo Salaadii Ciida Ku Tukatay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka

Sunday, August 19, 20120 comments

Madaxda Sare ee Dowladda Federaaliga Soomaaliya ayaa saakay Salaadii Ciidda kula tukaday kumanaan dadweyne ah masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay salaadii Ciidda kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ku tujiyey masjidka isbaheysiga oo ah masjidka ugu weyn ee magaalada Muqdisho waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyey in sanadkaan sanadkiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad intaan ka badan.

Sidoo kale masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho waxaa saakay wehliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shacabka salaadda Ciidda kula tukaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Saraakiil ciidan oo isugu jiray kuwa AMISOM iyo dowladda, Safiirada dalalka deriska u fadhiya Soomaaliya iyo dad kale.

Dhamaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah isugu marxabeeyey munaasabadda Ciidul Fitriga waxaana arintan ay ka turjumeysaa isbedellada nabadda ee ka jira Caasimadda Muqdisho maadaama ay Madax iyo shacab isku meel salaadda Ciidda ku tukanayaan ayadoo magaaladana si guud loogu ciiday.






























































































Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog