Boliiska wadanka Sweden ayaa sheegay inay heleen gabar yar oo 6 jir ah oo soomaali taasoo qoyskeeda ka ambatay xili ay booqasho ku joogeen Gislaved ee dalka Sweden iyagoo ka yimid dalka Germany.
Canugtan yar oo magaceeda lagu sheegay Bushra Khaliif ayaa la waayey shalay kowdii duhurnimo xili ay caruur kale oo ay ilmo adeer yihiin kula ciyaareysay meelaha caruurtu ku dheelaan, shalay gelinkii dambe iyo xalayba waxaa baadi goob ugu jiray boliis gaaraya sodon ruux oo adeegsanayey doomo, dayuuradah qumaatiga u kaca ee helicopterska iyo eeyo tababaran, balse waa ay ku guuldareysteen kadib markii gabadhan yari meel ay ku dhuumatay iyadoo ka cabsanaysay shanqarta dayuuradaha iyo eeyaha, waxa kale oo ay ku warantay inay iska qarineysay wax ay u maleynaysay inay ahaayeen bahal. Maanta gelinkii dambe ayaa qoys Swedish oo gaari wataa ay arkeen gabadhaan yar ee keynta ku dhex socota kaligeed, kuwaas oo soo kaxeeyey boliiskana u keenay.
Waxaa la sheegay in roob xalay oo dhan da’ayey uu dusheeda ku hooray, waxaana ka muuqday daal iyo wasaq ka dhalatay dhiiqada roobka ,Gabadhan yar ayaa loo diray dhaqtar si loo baaro caafimaadkeeda.

Halkaan ka Daawo Muqaal Ahaan Gabadha yar ee Soomaalida ah oo la Helay