Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya hada waxaa muuqataa in uu waayay sidii uu rabay oo aheed in Dalka Soomaaliya uu ka noqdo Madaxweynaha Dowlada aan KMG aheen ee Soomaaliya .
Riyadiisa waxaa godka galiyay ina Adeerkiis Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kadib markii uu Ninkaasi ku guuleestay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ,Beesha Digil iyo Miriflana saamigaasi ayey ka heleen Dowlada rajana kama qabaan xiligan Madaxweyne ama Raizul Wasaare in ay noqdaan.
Dad badan ayaa isweediinaya Shariif Xasan Hadii uu waayay sidii uu rabay maxuu sameenaya ,jawaabta ayaana lagu micneeyay in uu sameenayo sidii uu ka badin waayo taa oo u badnaan doonto sida uu isna meesha uga saari lahaa raga ay Xafiiltanka Siyaasadeed kala dhaxeeyeen gaar ahaan Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Sheekh Shariif.
In Meesha Shariif Xasan ka baxo waxaa isku kaashaday oo u ololeeyay Sheekh Shariif Sheekh AXmed iyo Cabdi Wali Gaas oo culees badan u arkayay hadii Shariif Xasan Doorashada Madxaweyne yimaado in uu halis galin karo damacooda ,sidaana ku go’aansadeen kahor in rajadiisa haadaamo ka tuuraan.
Shariif Xasan Weerarka ugu badan waxa uu ku qaadi doonaan Sheekh Shariif waxa uuna isku dayi doonaan in Madaxweynaha uusan markale soo noqon sida isagana uu daaqada uga baxo ,si uu taa ugu guuleesta Shariif Xasan waxa uu doonayaa in uu gadaal ka riixo Musharixiin kale ay isfahmi karaan si ugu yaraan Wasiirka Maaliyada ama kuwa kale oo saro meesha uga qal qaalsado si uusan siyaasda Soomaaliya uusan uga dhax bixin.
Waxaa wali aan la ogeyn oon soo shaac bixin cida uu Shariif Xasan la jirsan doono una ololeen doono si uu Madaxweyne u noqdo taa oo wali laga dhoorayo ,waxaana xusid mudan in Shariif Xasan Baarlamaanka ku dhax leeyahay rag badan oo Saaxiibo ay yihiin iyo kuwa ay Lacagta jecleesiisay Siyaasadiisa.
Maalmaha Soo aadan ayaana lagu wadaa in Shariif Xasan uu cadeeyo cida uu la jirsan doono ama laga dareemi doono qaabka uu u shaqeeyo ,waxana la isku raacsan yahay in Shariif Xasan Caro xoogan ka qaady in uu daaqad ka baxo isna uu doonayo tan ku dhacday oo kale raga ay is hayaan ku dhigo si uu markaasi isna goos dambaha uga qoslo.