Ciidamada Booliska AMISOM ayaa shalay lagu wareejiyay Xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis, halkaasoo ay noqon doonto Saldhiga ugu weyn ee ay ku howl geli doonaan.
Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Taliska Ciidamada Booliska ayaa ku wareejiyay Ciidamada taliska cusub ee ay saldhigan doonaan Ciidamada Booliska AMISOM, iyadoo si wada jir u sheegay inay la shaqeyn doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyed.
Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in Ciidamada Booliska AMISOM ka qeyb qaadan doonaan howlaha sugida amniga magaalada, isagoo tibaaxay in howl galka uu noqon doono mid ammaanka lagu xaqiijiyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada Booliska AMISOM la geyn doono Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, isagoo xusay in Xarunta Gaadiidka Booliska ay noqon doonto Saldhigooda ugu horeeya.
Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Dr. Charles Makono ayaa sheegay in Ciidamo kale oo ka socda Nigeria ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan howl galka, waxaana uu xusay in Ciidamadan Booliska ee ka socda Uganda ay horu dhac yihiin.
Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la sheegay inay sugi doonaan ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashada, iyagoo la howl geli doona Ciidamada Booliska Soomaaliyed.