Markab dagaal oo duqeeyay magaalada Kismaayo iyo cabsi soo wajahday dadka magaalada ku nool

Sunday, August 12, 20120 comments

Waxaa ay sheegayaan wararka ka imaanayo magaalada Kismaanyo in Maraakiib kusugan Biyaha Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay Duqeymo culus ka fuliyeen Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo,kadib markii la sheegay in Shabaab madafaiic ku weerareen ,waxa ayna maraakiibtaasi Kismaayo ku dhufteen dhuftay ilaa 6-gantaal sida oo goordhaw noo xaqiijiyay Goob jooge kusugan Magaalada Kismaayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Duqeymaha geesteen Diyaarado kazoo duulay Maraakiib badda Kismaayo yaala halka warar kalana sheegayaan in Marakaiibra naftooda Madafaiicda ay soo tuureen


Duqeynta ayaa ka dhalatay Qasaarooyin xoogan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac iyadoona lasoo sheegayo in Madaafiicda qaar ay ku habsadeen guryo dad rayid ah halkaasna ay ku dhinteen Dad badan oo isugu jira Haween iyo Caruur isku qoys ah tira kalan ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhintay Duqeyntaasi ayaa u badan dad Rayid ah iyadoona Magaalada Caawa ay daadsanyihiin dhiig badan dad badana loola cararay Isbitaalada Magaalda Kismaayo.

Marka ay Duqeynta bilaabatay ayaa dadku bilaabeen kala carar iyo walaac inkastoo mudo kadib xaalada wax xoogaa kasoo roonaatay diyaaradihii Duqeymaha geesanayay ay Hawada ka baxeen.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin Duqeyntaan Caawa lagu garaacay Kismaayo ,waxa aysan arintana kusoo aadeysa xili xaalada Magaalada Kismaayo wali aysan degneen lagana cabsanayo in duqeymno iyo Weeraro dhoor jiho ah lagu qaado Magaaladaasi Muhiimka h ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog