Safaarada Soomaaliya ee Koofurta Sudan ayaa ku guuleysatay inay xabsiga ka soo saarto Dhalinyaro Soomaali Tahriibayaan ah, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada ammaanka dalkaas, iyagoo doonayay inay u kala gudbaan Labada Sudan.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Sudan Amb. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo dhowaan la wareegay howsha safaarada ayaa dadaal dheer u galay sidii Dhalinyaro Soomaali ku xiran Xabsiyada dalkaas loo sii deyn lahaa.
Dhalinyaradan oo ahaa 12-dhalinyaro ayaa waxaa ku jiray labo gabdhood, kuwaasoo oo muddo 17-cisho ku xirnaa Xabsiga, waxaana ay ku jireen Xabsi ku yaal magaalada Malakaal.
Dhalinyaradan Tahriibayay ayaa uga mahadceliyay Safaarada Soomaaliya ee Sudan dadaalka ay u gashay inay Xabsiyada ka soo saarto, waxaana ay aheyd tallaabadii u horeysay ee Safaarada u qaado wax u qabashada Soomaalida dalkaas ku dhaqan.
Koofurta Sudan oo muddo sanad ka soo wareegatay markii uu gooni isaga taagay Sudan ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ay Soomaalida ku ganacsadaan, waxaana Safiirka cusub ee loo magacaabay Safaarada uu dhowaan sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii Soomaalida wax ugu qaban lahaa, isla markaana u wanaajin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Koofurta Sudan.