Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed oo Kaashanaya kuwa Amisom ayaa maanta si Buuxda ula wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka ee xarunta Gobalka shabeelaha Hoose Halkaas oo Haatan Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidanka Qalabka Siday ay ka wadaan Howlgaalo Amaanka Lagu Xaqiijinaayo.
Ciidamadani oo saakay waabarigii ka ruuqaansaday deegaanka KM-60 ee gobolka Sh/hoose,waxaana ka hor qabashada magaalada Marka ciidamadu xaqiijinyeen ammaanka deegaanada Ceel Wareegoow,Kali Caafimaad iyo weliba Buufoow oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.
Abaaro 12-kii duhurnimo ee manta ayeey ciidamada waxaa ay si buuxda ula wareegeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose,waxaana haatan baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo haraadiga horjoogayaasha kooxda Al shabaab eek u dhuumaaleeysanaya gudaha xaafadaha magaalada Marka,waxana howlgalada baaritaanada si gaar ah u fulinaya ciidamada Xooga dalka gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM,waxaa ay isku fidiyeen deegaano farabadan oo hoos taga magaalada Marka halkaasi oo ay ku raad joogaan firxadka horjoogayaasha Al shabaab.
Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM marka ay gudaha u galayeen magaalada Marka kalama kulmi wax iska cabin ah oo kaga yimaada Al shabaab kuwaasi oo ka cabsaday una babacdhigi waayay quwada xoogan ee ku wajahneeyd bilaabayna in ay isaga carararan magaalada Marka iyo deegaanada ku xeeran.
Kahor inta aysan isaga baxsan magaalada Marka waxaa ay saaka dileen dad rayid ah oo ka mid ha dadka ku nool magalada Marka oo gaarayay illaa 5-dhalinyaro ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadka ay gabadoodfalada ka baxsan bini’aadanimada u geysanayee alshabaab gabaloodku sii liicayo.
Dadka ku nool deegaanada hoos taga magaalada Marka iyo gudaha magaalada waxaa ay maanta u tahay maalin ciida ah maadama laga dul qaaday cadaasi iyo dhibaato xoogan oo ay ku hayeen kooxda Al shabaab,waxaana ay caleemo qoyan iyo niyad sami sacab dheeri ah ku soo dhaweynayaan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaa oo qaadayay heeso soo dhaweyn u badanaa.
Marka sawir buxda laga bixiyo muuqaalka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ee maanta ciidamada qalabka sida la wareegeen,waxaa ka muuqanayay saameeynta uu ku reebay fikirkii Alshabaab,waxaadna kaga bogan doontaan sawirada quruxda badan ee aan ka soo qaadno insha’allaah.