Xaalada magaalada Marka oo saaka degan iyo Ciidamada huwanta oo hareeraha ka fadhiya

Tuesday, August 28, 20120 comments

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa hareeraha ka fadhiya magaalada Marka oo shalay ka baxday gacanta Al-Shabaab, iyadoo xaalada saaka ay tahay mid degan, inkastoo aanay Ciidamadu wali gudaha u gelin.

Sida ay sheegayaan wararka waxaa gebi ahaanba haawaneysa xarumihii maamulka, saldhiga iyo goobihii saldhiga u ahaa Saraakiisha Shabaab, kadib markii ay shalay isaga baxeen.


Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin halka lagu magacaabo Ceel-Jaalle oo ah afaafka magaalada, waxaana ay u jirtaa ilaa 3-KM.


Sidoo kale Ciidamada AMISOM iyo taangiyadooda ayaa intooda badan difaacyo ka sameystay deegaanka Shalanbood oo magaalada Marka u jira ilaa 15-KM.


Dadka deegaanka ayaa shalay markii Al-Shabaab ka baxeen magaalada ku xoomay xaruntii Maamulka iyo saldhiga magaalada oo ay ka bililaqeysteen agabyadii yiil, sida albaabada iyo dariishadaha oo ay fujisteen.


Saraakiisha dowladda ee hogaamineysa howl galka ayaa sheegaya inay howl galo ballaaran ka sameynayaan degmada marka ay gudaha u galaan.


Magaalada Marka ayaa noqoneysa magaaladii u horeysay oo ku yaala Xeebaha oo ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog